Sawirro:-Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir ka furmay dalka Cumaan

Magaalada Muscat ee dalka Cumaan ayaa Maanta waxaa ka furmay Shirka Mena Innovation oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalalka Carabta,iyadoo shirkaas ay ka qeyb galeyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka qeyb galaya Shirka Mena Innovation,waxaana qeybtiisa 1-aad Shirkado Caalami ah ay kusoo bandhigayeen hal-abuurkooda teknoolajiyada lagu horumarinayo Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Teknoolajiyada lasoo bandhigay uu qeyb ka ahaa qaar badan oo Soomaaliya aad daneyneysay in muddo ah qorshihiisa ku ku jirtay.

Dhinaca kale inta Magaalada Muscat ee dalka Cumaan ku sugan yahay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu kulamo kala la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka Mena Innovation iyo Mas’uuliyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media