Sawirro:- Siduu Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay Xafiiskiisa?

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tagay xafiiskiisa, kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka amar qaata farmaajo oo muddo saacadaha halkaasi joogeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa wehliyay xubno sar sare oo ka tirsan Dowladda oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar sare.

Mas’uulyinnta Ra’iisul Wasaare Rooble ku weheliyay tagista xafiiskiisa ayaa waxaa ma kid ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Taliyeyaasha Ciidanka.

Waxaana ay si lug ah ku tagay Xafiiskiisaoo ku yaalla gudaha Madaxtooyada, kaddib markii saaka la isku dayay in Xafiiskiisa lala wareego.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada ayaa isku dayay inay Xafiiska la wareegaan kalana diraan Shaqaalaha, iyadoo isku daygaas markii dambe uu fashilmay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor