Sawirro:-Shixnad Mobaylo ah oo Ganacsato Soomaaliyeed looga dhacay Kenya

Ganacsato Soomaali ah oo degan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in laga dhacay Shixnad Mobaylo ah, hayeeshee waxaa dib ugu soo celiyay Ciidanka Booliska dowladda Kenya gaar ahaan kuwa Dembi baarista ee DCI.

Darawalkii waday gaariga lagu soo qaaday Shixnadda Mobaylka ah oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaalida ah ayaa waxaa la sheegay inuu leedsaday gaariga, waxaana la xusay in xiligaas Shixnadda la doonayay in lagu dejiyo Bakhaarka Rolling Cargo Ltd.

Shixnadaasi ayaa ka koobneyd 750 Kartoon oo Mobaylo ah, isla markaana waxaa la dhacay 10-kii Bishaan April , iyadoona lagu qiimeeyay Shixnadda lacag dhan ah 120 million oo Shilinka Kenya una dhiganta Hal million iyo labo boqol oo Kun oo Dollar.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Booliska dalkaas ay gacanta ku dhigeen 629 Kartoon oo ay ku jireen Mobayladii laga dhacay Ganacsatada Soomaalida iyo 4 ruux oo eedeysanayaal ah.

Laamah dembi baarista Kenya ayaa 4-ta Ruux ee lagu soo qabtay  howlgalka magacyadooda ku kala sheegay Mwangangi Kyalo oo 41-jir ah, Jacob Waithaka oo 39-jir ah, Patrick Irungu oo 45-jir ah iyo Newton Mwdenda oo 35-jir ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media