Sawirro:-Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Goordhow furmay

Waxaa Goordhow Hotelka Jazeera ee Magaalada si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Shirka oo socon doono muddo sadddex maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Muhsraxaiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali, Shariif Xasan Sh Aadn iyo Musharaxiin kale

Xalay ayaa Muqdisho waxaa kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale, waxaana ay ka hadleen sidii looga arrinsan lahaa shirka Maanta u furmau Musharaxiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media