Sawirro:-Saraakiil ka tirsan DF oo sheegay in Al-shabaab ay gubeen Gaari Dareemo Raashin waday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada 9-aad, qeybta 60-aad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Saraakiil Ciidan ayaa ku warramay in dagaalkii dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay inay gubeen Gaari dameero Raashin u waday dad kunool degmada Waajid, waxaana goobta markii dambe gaaray Ciidanka dowladda.

Inta uu socday dagaalka u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaabka ayaa la maqlayay dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, wallow markii dambe uu istaagay, xaaladana ay si caadi ah kusoo laabatay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, iyadoo Saraakiisha Ciidanka qeybta 60-aad ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa soo Bandhigay Sawirrada Raashinka iyo gaari Dameeradii waday oo la gubay, waxaana la tilmaamay in Raashinka la gubay loo waday dad kunool degmada Waajid.

Si kastaba Al-shabaab ayaa muddo sanado ah Go’doomiyey degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo horey dhacday in gaadiid Raashin iyo kuwo Dhuxul waday lagu waday duleedka degmadaas.