Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyihii hore ee dalka ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul Wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media