Sawirro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Riyaadh

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media