Sawirro:-Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Buulo-burte

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay ka dhaceen qaraxyo is xig-xigay, kuwaasi oo Jugtooda siweyn looga maqlay gudaha Magaalada.

Qaraxyadaas oo gaarayay Saddex Miino nooca dhulka aaso ah ayaa waxaa ay sigaar ah ay uga dhaceen hoolka nasashada loogu talagalay ee Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte, waxaana halkaas soo gaaray burbur xoogan.

Sawirro laga soo qaada gudaha Garoonka laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay burburka xoogan ee soo gaaray hoolka nasashada, waxaana gebi ahaan dhulka yimid saqafka hoolka.

Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaraxyada aysan geysan wax Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, maadaama xiliga qaraxyada ay dhacayeen ay aheyd waaberigii hore ee saaka oo goobta aysan joojin dadka.

Wararii ugu dambeeyay oo aan ka heleyno Garoonka Buulo-burte ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaas ka wadaan howlgal miino baaris ah, isla markaana waxaa xiran waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Garoonka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media