Sawirro:-Qalbi-Dhagax oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweyne Xaaf & Sheekh Shaakir

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Booqasho laba cisho qaadaneysa ayuu Maanta ku tegay Magalada Dhuusamareeb C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax,iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa ka raali gelliyay Qalbi Dhagax wixii loogu geystay magaalada Gaalkacyo, Dhamaadka sanadii hore ee 2017, markaas oo Ciidanka Galmudug Nabad Sugidooda ay soo qabteen. taas oo keentay in Muqdisho laga dhoofiyo kadibna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.

Si kastaba Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa dhawaan iska diiday inuu yimaado Muqdisho, wuxuuna sababta ku sheegay iney tahay halkii cadawga looga dhiibay sanadii hore, Waxaana maalmahaan uu booqasho uu ku marayay dhulka soomaalida sida Puntland iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor