Sawirro:- Odawaa oo Isbitaalada ku booqday Askar ku dhaawacantay Qaraxii lala eegtay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed  Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Dhawaan Lagula Eegtay Agagaarka Tarbuunka.

Janaraal odowaa yuusuf Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale ayaa booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Alshabaab ay  kula beegsadeen taliyaha agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya isbtitaalka xoogga iyo isgooyska Taranbuunka ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalada uu booqday taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Madiino iyo Somali Suudaanes oo lagu dabiibayo shacabkii ay waxyeladu kasoo gaartay qaraxaas  isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka  Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa 13-kii bishaan ka badbaaday weerar Ismiidaamin loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa loogu qaaday kolonyo uu la socday oo marayay agagaarka Isbibaalka xoogga dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media