Sawirro:- MW Xasan Sheekh oo si heer sare loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Magaalada Ankara ee Caasimadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga, waxaana loo riday 21 madfac, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan Xarunta Madaxtooyada Ankara uu kulan gaar ah kula leeyahay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyagoona ka wada hadlaya Arrimo dhowr ah oo ku aadan xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Erdoğan u gudbi doona caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kunool, wuxuuna Madaxweynaha uu dhiggiisa u gudbin doonaa dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor