Sawirro:-Muuse Biixi oo balan qaaday Nolosha Wiil ay geeriyoodeen 8 Ruux oo ka mid ahaa qoyskiisa

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wiil Dhalinyaro ah oo dhawaan 8 ka mid ah Qoyskiisa ay u geeriyoodeen duufaantii dhawaan ku dhufatay deegaanada Bari ee Soomaaliland.

Wiilkaan Dhalinyarada ah oo lagu Magacaabo Ibarahim Muuse Cabdi ayaa ku noolaa Magalada Lughaye ee Gobolka Owdal,waxana roobkii duufaanta watay uu sababay dhimashada Aabihiis,Hooyadiis iyo lix Caruur ah oo la dhalatay.

Ibarahim aya xilliga duufaan ay dhaceysay waxa uu ku maqnaa Iskuul uu waxku baranayay,taas oo keentay in uu ka badbaado musiibadii qabsatay qoyskiisa oo ka koobnaa 8 Ruux.

Muuse Biixi ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya uu kafaalo qaadayo nolosha wiilkaas,isaga oo loogu keenay Magalada Hargeysa si uu halkaasi uga sii wato waxbarashadiisii maadaama qoyskiisii ay dhamaadeen.

Roobkii Duufaanta watay ee ka da’ay deegaanada Bari ee Soomaaliland ayaa waxaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale oo haatan gurmadyo kala duwan la gaarsiinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor