Sawirro:-Muqtaar Roobow oo markale la gudiinsiiyay Shahaadada musharaxnimada Madaxweynaha KGS

Guddiga Cusub ee Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maanta bilaabay  Shaqooyinkooda,waxana Maanta ay diiwangeliyeen musharixiin dhowr ah.

Markii labaad ayaa waxaa maanta shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed lasiiyay Muqtaar roobow Cali Abuu Mansuur.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur  ayaa waxa ay sheegeen inay dib u cusbooneeysiiyeen Shahaadadii uu horay u qaatay Muqtaar roobow,waxaana uu horay uga qaatay  Xubnihii is casilay ee Guddiga doorashada.

Diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sirasmi ah Maanta Magalada Baydhabo uga bilaabatay,waxana ay ku egtahay Maalinimada berito ah ah oo ku beegan  26/11/2018.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Muqtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii uu ku noqon lahaa musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidaasna Maanta ay ku siiyeen Shahaadada musharaxnimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor