Sawirro:-Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda oo la kulmay Wakiilka QM

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyagoo ka wada hadlay guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshayaasha lagu dardargelinyo arrimaha ubaahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Wasiir saalax ayaa sheegay in hay’adaha dastuurku ay isla meel dhigeen in ka hor June 2020 la horgeeyo baarlamaanka dastuurka oo dhan kasta ka soo idlaaday. Sidoo kale, waxa uu xusay in dhowaan ay tagi doonaan gobolada si la iskula meel dhigo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed latashina ay kala  yeeshaan daneeyayaasha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Dhanka kale, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Somalia James Swan ayaa bogaadiyay dadaalada geedi socodka dib-u-eegista dastuurka isagoo sheegay in kalmaddii uu ka jeediyay fadhiga UN-Ka uu ku xusay arrimaha dastuurka iyo dadaalada lagu dhammaytirayo,  isagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin taageerada sidii dastuurka loo dhamaytiri lahaa wadaxaajooodna looga geli lahaa arrimaha xasaasiga ah ee ku jira dastuurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media