Sawirro:-Marxuum Cabdicaiis Afrika oo Maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Salaada Janaazada ayaa waxaa marka horey Meydka Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Aaska Marxuum Afrika ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, qoyskiisa, Ehel, qaraabo iyo bahda Saxaafadda, waxaana dhammaan dadkaas ay Cabdicaiis Afrika Alle uga baryeen inuu u naxariisto.

Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo lala eegtay gaari uu saarnaa, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Agaasimaha SNTV Sharmaake Maxamed Warsame iyo Darawal la socday.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Marxuum Cabdicasiis Afrika oo kamid ahaa Wariyeyaasha Warbaahinta dowladda ka howlgalayey sannado badan, isagoona sidoo kale ka shaqeeyay Warbaahino Madax banaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor