Sawirro:-Markabkii ugu horreeyey oo saaka kusoo xirtey Dekedda Garacad

Waxaa oo saaka Axad ah Dekadda cusub Garacad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland kusoo xirtay Markabkii ugu horreeyay oo sida Shixnad qalab ah, kaasi oo sida aan xogta ku helnay kasoo shareecday Dubai.

Markabkaan oo ah nooca xamuulka qaado ah ayaa sida Shixnad qalab ah oo isugu jirta qalab loogu tala-galay in lagu dhameystiro dhimaha Dekedda Garacad iyo gaadiid nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta.

Dekadda ayaa waxaa ku sugan Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda Maamulka Puntland, kuwaasi oo ka qeyb galaya madasha xariga looga jarayo soo dejinta Shixnada uu sido Markabka saaka kusoo xirtay dekadda cusub ee Garacad.

Sidoo kale Dekadda waxaa ayaa ku sugan Guddoomiyeyaal Degmo, Ganacsato, qurbojoog iyo xubno kale, waxaana Maamulka dekadda ay sheegeen in Markabka si wanaagsan ugu soo xirtay Dekadda, kaasi oo kasoo shareecday Dubai.

Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug ee Puntland oo uu dhismaheedu soo bilowday sanadkii 2018-kii ayaa dhowaan la dhameystiray qeyb dheeg-saarka 1-aad ee ugu muhiimsan ay maraakiibtu soo galaan.

Dekedda Garacad ayaana noqonaysa Dekeddii labaad ee yeelato Puntland, waxaana Dhismaha Dekedda uu yahay mashruuca ugu weyn ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, iyadoo dhaqaalaha ku baxay iska leh ganacsato Soomaaliyeed oo u badan reer Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor