Sawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiirada UK & Sweden ee Somalia

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada muqdisho kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska ee Soomaaliya ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha ay wada qaateen ayaa waxa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda UK ee Africa haweyneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, waxaana kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay diirada lagu saaray sidii Hirshabelle looga gacansiin lahaa dhinacyada horumarinta iyo ammaanka iyo sidii loo casriyeyn lahaa Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Ingiriiskana ay uga sameysan laheyd hirshabelle Xero Ciidan oo lagu tababarayo Ciidanka Ammaanka Hirshabelle.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira sidii Hirshabelle looga fulin lahaa mashaariicyada Swdeden oo ay fuliyaan hey’adaha Qaramada Midoobay sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

Kulanka Madaxweyne Waare iyo safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehlinayay, U qeysamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Ee Africa Ola Karlman, waxaana arrimihii laga wada hadlay uu safiirka balanqaaday in ay fulinayaan dhowaana uu booqasho ku tagi doono si loo kordhiyo mashaariicyada lagu caawinayo Hirshabelle.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media