Sawirro:-Madaxweynaha Galmudug oo siweyn loogu soo dhaweyay Guriceel

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo siweyn halkaas loogu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Guriceel ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana kusoo dhaweeyay Maamulka Magaalada iyo boqolaal dad shacab ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu yiri ” Soo dhoweynta Guriceel waa mid aanan horay ugu soo arkin meelihii aan tagey ,waa soo dhoweyn qiimo badan , waxaan dhihi karaa waa magaalo ganacsi, waa Magaalada ganacsiga Galmudug waana halbowlaha bulshada Galmudug Guriceel”.

Inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Ammaanka guud ee Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanayay Ciidanka Booliska Galmudug iyo Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay Safarro kala duwan ku marayay deegaano ka tirsan Maamulkaas, wxuuuna kulamo la qaatay Shacabka deegaanadii uu safarka ku tegay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media