Sawirro:-Madaxa Xukuumadda Galmudug oo la kulmay Saraakiil ka socota AMISOM

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Maanta Xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiil ka socota AMISOM gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobolka Hiiraan

Kulanka u dhexeeyay Sheekh Shaakir iyo Saraakiisha AMISOM ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha Amaanka ee Gobalka,sidii iskaashi looga yeelan lahaay iyo sidii loo xareyn lahaay Deegaanada gacanta ugu jira Al-shabaab

Saraakiiisha katirsan AMISOM ayaa Madaxa Xukumadda Galmudug ugu mahad celiyay halgankii Nabada Gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Mudug oo ay kaga Xoreeyeen Al-shabaab maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee lagu biiriyay Galmudug.

Dhinaca kale Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha AMISOM ugu Mahad Celiyay Taageerida ay siiyaan Ciidamada Soomaalida ee Dagaalka kula jira Al-shabaab iyo waliba doorkii ay qaateen in Deegaano badan laga xoreeyo Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media