Sawirro:-Machadka Jowhar iyo Akadeymiyada xiriirka dowliga ee Turkiga oo heshiis gaaray

Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxda Machadka Jowhar ee adeega Bulshada ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho iyo Akadeymiyada xiriirka dowliga ah ee fadhigeedu yahay dalka Turkiga.

Madaxda Machadka Jowhar iyo kuwa Akadeymiyada oo kulankoodu dhacay 11-ka bishaan Maarso 2021 ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ku aadan dhinaca Waxbarashada, iyagoona heshiis kala saxiixday.

Machadka Jowhar iyo Akadeymiyada xiriirka dowliga ah ee fadhigeedu yahay Turkiga ayaa ku heshiiyay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii loo horumarin lahaa Machadka Jowhar.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Machadka Jowhar uu yahay Wakiilka rasmiga ah ee dhinaca Waxbarashada u qaabisan dalka Soomaaliya, iyagoona isla gartay dardar-gelinta wadashaqeynta.

Madaxda Akadeymiyada xiriirka dowliga ah ee dalka Turkiga ayaa u mahadceliyay Madaxda Machadka Jowhar ee adeega Bulshada, isla markaana ku  boggaadiyay shaqada dhinaca waxbarashada oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa goobjoog ka ahaa diblomaasiyiin, aqoonyahano, Hay’addo ka socday Machadyo saxaafadda iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Kulanka ka dhacay Magaalada Dooxa ayaa waxaa Machadka Jowhar uga qeyb galay Ustaad Xasan Cali Axmed oo ah Madaxa xiriirka Arrimaha Dibadda, halka Akadeymiyada uu uga qeyb galay Dr. Cismaan Cabdi Shaafi oo Madaxa Akadeymiyada, iyadoona kulan uu kusoo dhammaaday guul.

Linkiga Machadka Jowhar 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor