Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Saakay dib u furay Waddo Muhiim ah oo ku taala Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku guulestay in uu dib u furo Wado muhiim ah oo u dhaxeysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP,ee Gobolkaan Banaadir.

Wadadaan ayaa waxaa ku jarnaa dhagxaan Waaweyn iyo caro,taas oo  xeritaankeeda uu sabab u yahay dhanka amniga maadaama halkaas ay deganeed Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa Goobjoog ka ahaa furitaanka Wadadaas.

Gudoomiye Thabit oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wadadaan ay aheyd mid halbowlo ah,islamarakana ay baahi weyn u qabeen Shacabka Muqdisho.

Sawiiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media