Sawirro:-Kulan looga hadlayay Sharciga doorashooyinka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Guddiga Ku-meel gaarka ah ee Ka Baaraandeggidda Hindise -Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare -BFS ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aadan Hinidise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magalada Muqdisho ka socday kulamo guddiga KMG ee diyaarinta sharciga doorashooyinka ee golaha aqalka sare ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka dhageysanaya aragtidooda ku aaddan nooca doorasho eek a dhici karta dalka 2020/2021.

Dhinaca kalana guddiga ayaa la filayaa in golaha aqalka sare ay horgeeyaan dhammaan talooyinkii ay kasoo uruuriyeen bulshada si loosii amba qaado doodad Hindese-sharciyeedkaan oo horay ay usoo meelmariyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media