Sawirro:-Ku-dhawaad 40 qof oo ku dhaawacmay dhul-gariir ka dhacay Turkiga

Wakalladda Waerka Turkiga ee ANADOLU NEWS AGENCY ayaa sheegtay inuu Waaberigii hore ee saakayto uu dhul-gariir ka dhacay Gobalka ADIYAMAN ee K/bari ee dalkaasi, iyadoo ay 39 qof ku dhaawacmeen dhul-gariirkaasi.

Wasiirka Caafimadda ee Turkiga, AXMED DEMIRKAN ayaa sheegay in 35 ka mid ah 39-kaasi qof la daaweeyey, wuxuuna xusay inaysan jirin dad ay xaalladooda liidato.

Dhul-garirka oo lagu qiyaasay 5.2 ee Halbeegga lagu cabiro Dhul-gariirka waxaa ku xigay 8 dhul-ruxun oo aad u yar-yaraa.

Dhinaca kale, Dhamaan Dugsiyadda Hoose iyo kuwa Sare ee ku yaalla Gobalka ADIYAMAN ee uu dhul-gariirku ka dhacay ayaa maanta la wada xiray.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media