Sawirro:-Imaaraadka Carabta oo Deeq Caafimaad soo gaarsiiyay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Manata waxaa caga dhigatay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Diyaaradaan oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa xubno la socday Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu wareejiyay Gargaarka Caafimaadka oo dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxaana ay gaareysaa ilaa iyo 27 tan.

Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay Deeq Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus ku wareejisay Dowlad Goboleedka Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay deeqda.

Si kastaba Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u dhexeeya waxaa uu yahay mid  wanaagsaneyn, waxaana sidaas ay tahay Gargaar Caafimaad ee Soomaaliya kaga soo hormaryay Qatar iyo Turkiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media