Sawirro:-Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo tababar u soo xiray Garsoorayaal

Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yusuf Axmed ayaa Maanta oo Taariikhdu tahay 28/10/2018 Furay Tababarka Gasoorayaal sidoo kale waxaa uu Tababar u soo xiray Dhalinyaro ka soo baxday kulliyada sharciga oo Tababar layli garsooranimo ku soo qaatay Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan.

Xaflada ayaa Waxaa Gobjoog ahaa Guddomiyayasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Banaadir.Garsoorayaasha loo furay tababarka ayaa tiradoodu ahayd12 Garsoore sidoo kale dhalinyarada loo soo xiray layli Garsooranimo ayaa gaarayay 8 Dhalinyaro

Ugu Dambayn Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ay Garab taaganyihiin Gudoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Iyo Gobolka Banaadir shahaadooyin gudoonsiiyay dhalinyarada uu dhamaaday Tababarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor