Sawirro:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo saraakiil ka socotay AMISOM oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada mamulka Galmudug uu kulan xasaasi ah kula qaatey Sarakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM kuwaas oo gaaray magaalada isaga oo kala hadlay amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulanka dhexmaray Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa looga hadlay xoojinta Amniga Deegaanada Galmudug gaar ahaan Amniga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo dhawaan lafilayo in ay ka dhacdo magaalaa Dhuusamareeb.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii dambe aad loo adkeeyay iyada oo halkaas ay ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa,dhinaca kalana lafilayo in maalmaha soo socda ay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay ka dhacdo halkaas.

Saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa balan qaaday in ay xoojin doonaan ammaanka magaalada iyo in wadashaqeyn fiican ay dhexmarto masuuliyiinta maaamulka Galmudug gaar ahaana guddoomiyaha inta doorashada madaxweynaha ay ka dhaceyso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media