Sawirro: Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la diyaariyay

Guddiga isku dhafka ee qaban-qaabada dooraahada Madaxwaynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyay Hoolka Teendhada Afisyooni oo ay doorashada Madaxweynaha.

Howlka Afisyooni ayaa la dhigay agabka doorashada Madaxweynaha, waxaana la diyaariyay dhammaan kuraasta loogu tala-galay inay ku fariistaan Xildhibaanada iyo Musharaxiinta, sidoo kalena waxaa la habeeyay goobaha ay Warqadaha Codka kula qorayaan Xildhibaanada.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Teendhada Afisyooni ka dhaceysa 15-ka bishaan oo hal maalin kaliya ka harsan tahay, isla markaana waxaa Caasimadda ka socda olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiinta.

39 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda wada ololhii ugu dambeeyay ee doorashada, waxaana socda kulamo siyaasadeed oo Musharaxiinta la leeyihiin Xildhibaanada.

Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaasi oo sugida amiga ay la kaashanayaan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor