Sawirro:-Faah faahin qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano qooqanta,waxana dad goobta qaraxa uu ka dhacay ay sheegeen in cidna aan wax ka noqon.

Weli macadam ruuxii lahaa gaarigaas oo xilliga uu qarxayay uu yaallay Xarunta Daacad Care oo ku taalla inta u dhaxeysa Sayidka iyo Hotel Dayax ee Magalada Muqdisho.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa daqiiqado kadib jawigeed uu sidii hore ku soo laabtay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa amniga Magaalada Caadimadda ah ee Muqdisho waxa uu noqday mid soo hagaagaya kadib markii Ciidamo farabadan oo boolis ah magalada Muqdisho lagu soo daadiyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor