Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda

Xarunta Aqalka dowlada hoose Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay Guddiga iskaashatada gaadiidleyda isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa caqabadaha heesto Gaadiidleyda Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn ka dhageestay hogaanka gudiga iskaashatada gobolka Banaadir cabashooyin la xariira isticmaalka wadooyinka iyo lacaga ay sheegeen in si sharcidara ah looga qaado.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu diyaar u yahay wax kaqabashada cabashooyinka ay soo gudbiyeen gaadiidleyda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media