Sawirro:-Duqa Muqdisho iyo Guddiga KMG ee doorashooyinka Qaranka oo kulan yeeshay

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Galabta waxa ay xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hergeysa kulan ku la yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed {Cumar Filish}.

Kulanka guddiga ay la yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shir gudoominaayay guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab}.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu guddiga ugu soo bandhigi lahaa talooyinkiisa ku aadan sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay haatan soo diyaarintiisa ay guddigaan gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ayaa kaga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish talooyinnkiisa waangsan uu ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.

Kulanka uu guddiga la yeeshay Guddoomiyaha gobolka banaadir  ayaa ugu dambeyntii  kusoo dhammaaday jawi wanaagsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media