Sawirro:-Dowladda oo Galabta Ciidamo aan hore loo arag ka dejisay Gobolka Gedo

Dawladda Soomaaliya ayaa Ciidadamo aad u  farabadan Galabta ka dajisay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dolow Somaliya ee Gobolka Gedo, waxaana Ciidankaan ay qayb ka yihiin Ciidamo ay Dowladda Soomaaliya tan iyo Maanta ku daabuleysay Gobolkaasi.

Dhowr Diyaaradood oo Waday Ciidamo ku labbisan dareeys aan horay loogu arag Millateriga Soomaaliya ayaa ka dagan Garoonka Degmada dolow, waxaana si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyay Saraakiil iyo Ciidamo kale oo kaga horreeyay Goroonka.

Ciidanka oo ah kuwo aad u hubeysan ayaa waxaa si gaar ah u soo dhweeyay Maamulka degmada Dooloow iyo Mas’uuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Ciidan kale oo kuwaan ka horereyay waxaa ay ka dejisay Dolow, waxaana Ciidankaasi siday labo Diyaaradood oo ciidanka lagu qaday, Saraakiisha Ciidankaasi hor kacaya kama hadlin sababta rasmiga ah ee ka dabeysay in Gobolkaasi maanta Ciidan laga dajiyo, balse waxaa jirta Xiisad xooggan u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

waxaana dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay in abaabul Ciidan ay ka wado xuduudka gaar ahaan dhinaca Mandheera , waxaana dowladda ay sheegtay in arrintaas ay tahay mid u muuqata daandaansi dagaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media