Sawirro:-Dowladda oo Ciidamo hor leh ku daabushay Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay degeen diyaarado siday Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ah kuwa Gorgor ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Taliyaha guutada 17-aad ee Gorgor Cumar Deeq Xasan, Guddoomiyaha labaad ee Gedo ee dowladda Nasteex Cabdi Saalax, Guddoomiyaha Doolow iyo xubno kale.

Ciidanka gaaray degmada Doolow ayaa waxaa hoggaaminayay Taliye lagu magacaabo Liibaan Xasan Cali, waxaana Ciidankaas loo gudbiyay Xarumo loogu tala-galay inay degaaan, iyadoona ka saameyn doona Saldhigyo iyo difaacyo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada ay yihiin kuwo aad u hubeysan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dowladda Federaalka ay geeysay Doolow, sida la xaqiijiyay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusoo darayaan in Ciidamada ay xoojin doonaan Ciidanka dowladda Fedraalka ee ku sugan xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisad u dhexeeysa labada dal ayaa ka taagan xuduudka, waxaana dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay in abaabul Ciidan ay ka wado xuduudka gaar ahaan dhinaca Mandheera , waxaana dowladda ay sheegtay in arrintaas ay tahay mid u muuqata daandaansi dagaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media