Sawirro:-Diyaarad sida tallaalka Cudurka COVID-19 oo kasoo degtay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad sida tallaalka loogu tala-galay in loo qaato Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Diyaarada ayaa tallaalka Cudurka COVID-19 ka keentay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana markii tallaalka yimid Muqdisho la wareegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagula wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana waxaa halkaas ku sugnaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur iyo xubno kale.

Sida uu qorshahu yahay maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in tallaalka Cudurka COVID-19 laga bilaabo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, isla markaana lagu bilaabo shaqaalaha dowladda.

Qaramada Midoobay ayaa horey qaar kamid ah dalalka afrika u gaarsiisay tallaalka loogu tala-galay in loo qaato Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana dowladda Federaalka ay u mahadcelisay Qaramada Midoobay.