Sawirro:- Diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo ka socota Garoonka Kismaayo

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku sugan boqlaal shacab ah kuwaas oo u taagan soo dhaweynta wefdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Wefdi oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi  Deni oo ka soo amba baxay magaalada Garoowe ayaa la filayaa daqiiqado kadib uin ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugayaan madaxda maamulka Jubbaland.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka magaalada gaaf wareegaya ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland oo xaqiijinaya amniga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media