Sawirro:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya agagaarka Isbitaalka S0S ee Magalada Muqdish ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu rasaseeyey Gaari ay saarnaayeen dad Shacaba ah oo sida la sheegay ka yimid Goob aroos ah.

Gaariga ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu rasaaseeyey askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Haween ah ayaa geeriyootay halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen Gaarigaas uu agagaarka Isbitaalka SOS ee degmada Hurwaa ku rasaaseeyay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dadka rasaastaas ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Maamulka degmada Hurwaa ee Gobolkan Banaadir iyo laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin falkaan uu geystay askariga ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la sheegay in baxsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor