Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad oo uu hogaaminayo Taliyaha Qaybta Gen Cabdicasiis Cabdullaahi “Qooje” ayaa Howlgal Qorsheysan ku gaaray Degmada Camaara ee Gobolka Mudug.
Howlgalkan oo ah mid ballaaran ayay Ciidamadu ku galeen dhamaanba Xaafada Camaara iyagoo Shacabka Halkaa degan ka xog Wareysanaya xaalad deegaanka iyo arrimo kale.
Taliyaha Qaybta 21-aad Gen “Qooje” oo la hadley shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan Qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba Deegaanada kale ee aan Xorta aheyn.
Gaadiidka Dagaalka ee Xoogga Dalka ayaa si rasmi ah ugu sugan Wadooyinka Camaara waxaana halkaas ku soo Dhaweeyay Ciidamada Shacabka Camaara.
Taliska 21-aad ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fuliyaan deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug iyo Hirshabeelle.