Sawirro:-Ciidanka Ilaalada gaarka ee Deni oo hubeysan oo soo gaaray Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow kasoo degtay diyaarad sida wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku imaanayo Caasimadda dalka.

Ciidanka Ilaalada gaarka Madaxweyne Saciid Deni oo ah kuwo aad u farabadan ayaa kasoo degay Garoonka iyo xubno kale oo la socday, waxaana ay dageen xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde oo loo sii diraayay.

Sawirro laga soo qaaday Ciidanka Ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland ayaa lagu arkayay iyaga oo ku hubeysan qoryaha fudud iyo kuwa cul culus , sida daba-jeexyo, qoriga RBG oo ah nooca laga tuuro Garbaha  iyo kartoono laga soo buuixyay rasaas farabadan , kuwaasi oo diyaarad khaas ah kasoo qaaday Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa gelinka dambe ee Maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee ka dhacaya Xalane ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida uu qorshahu yahay degi doono xeyndaabka Garoonka diyaaradah Aadan Cadde, waxaana haatan socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo Deni iyo wafdigiisa.

Shir uu ku baaqay Madaxwerynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor