Sawirro:-Ciidamo ka horyimid amarka Maamulka Jubbland oo Maxkamad ka soo muuqday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay u fariisatay dacwad loo heystay 13 Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Askartaan oo tiro ahaan gaaraya 14 askari ayaa 13 ka mid ah waxaa lagu soo eedeeyay inay ku dhaqaaqeen fal khatar gelin kara amniga dowlad goboleedka Jubbaland halka Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah askartaas lagu eedeeyay in uu sibareer ah u dilay Nabadoon Xasan Goolow Muxumed,sidoo kale Cabdifatax Axmed Aadan oo isna lagu eedeeyay ku gacan siinta falka amniga ka dhan ah.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa sheegay in Ciidamadaas ay hogaaminayeen labo xidigle Aadan Dhuubow Ibraahim,Maxamed Muxumed Xaad, Cabdi Cali Carte Qalinle,kuwaas oo ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska,Nabadsugidda iyo Daraawiishata Jubbaland.

Dhinaca kale Garsooraha Koobaad Ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Jubbaland Gaanshanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dhageysiga dacwadaan askartaas loo heysto markale loo fadhiisan doono 6da Bisha 11aad ee Sanadkaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor