Sawirro:-Ciidamo hubeysan oo la wareegay Taalada Daljirka daahsoon

Dowladda Soomalaiya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay kusoo daadisay Tallada daljirka Daahsoon oo la filayo in bannaanbax uu ka dhaco maalinada berri ah, waxaana  bannaanbaxaasi horay ugu dhawaaqay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Waddooyinka soo gala tallada Daljirka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo badann, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaa gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala Taallada, sidoo kale Mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno ayaan loo ogolayn  in ay maraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u shaacisay in Bannaanbixii ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta uu dhici doono, waliba si nabdoon, waxaana ay ballan qaadday in ay sugayso ammaanka Mudaharaadayaasha, waxaana Ciidanka loo malaynayaa in qayb ka yihiin Ciidanka lagu sugayo ammaanka goobta loo asteeyay in uu ka dhaco Mudaharaadka ay hor kacayaan Musharixiinta mucaaradka ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor