Sawirro:-Ciidamada Dowladda oo lagu amray inay ku baxaan dagaalka D/Balanbale

Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kormeer amni ku marayaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud,iyaga oo dadaalo ku bixinaya sidi loo joojin lahaa dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Saraakiisha ayaa Kulamo la qaatey Saraakiisha talisyada Xerooyinka ay kormeereen,iyaga oo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab,iyo joojnta colaad laga soo sheegayo deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gen: Cirro ayaa farey Ciidamada in ay si dhaqsi leh uga howl galaan daminta colaad ka soo cusboonaatay Dagmada Balambale ee Gobolka galgaduud halkaa oo durbadiiba Ciidamadu u ijiheesteen.

War shalay ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Galmudug ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday tuuloyin hoostaga degmada Balanbale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor