Sawirro:-Banaanbax ka dhacay Degmo ka tirsan Shabeellaha Hoose

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka, sida sheegayaan warara aan ka heleyno halkaas.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay bartmaha Magaalada, waxaana ay uga banaanbaxooda uga soo horjeedeen xarig loo geystay Guddoomiyaha dhalinyarada Degmada Afgooye Caalim Maxamed Axmed.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubaya taayaro waaweyn, isla markaana qaarkood waxaa ay tilmaameen in xariga loo geystay Guddoomiyaha dhalinyarada Afgooye uu yahay mid sharci darro ah.

Guddoomiyaha degmadda Afgooye ayay banaabaxayaasha ku eedeeyeen inuu sifo sharci darro ah uu ku xirey Guddoomiyaha dhalinyaradda degmadaas Caalim Maxamed Axmed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu hakad ku jiro isku socodka gaadiidka Degmada Afgooye, sidoo kalena ay halkaas ku xayiran yihiin gaadiidka u soo socdey Magaladda Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media