Sawirro:-Baarlamaanka Soomaaliland oo Maanta isku Gacan qaaday

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee deegaaanda Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Manta ay gacmaha isula tageen Qaar ka mid ah xildhibaanada Maamulkaas.

Fadhi ay Hargeysa ku lahayeen xildhibaanada ayaa muran ka dhashay,waxa uu sababay in ay isku gacan qaadaan Xildhibaan Salebaan Cali Koore iyo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax.

Arintaaan Gacan ka hadalka ah ayaa ka dambeysay kadib markii la isku khilaafay,xilka gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Soomaaliland oo xildhibaanada qaar muran ka keeneen.

Sidoo kale waxa Wararku sheegayaan in Goobta ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland,iyaga oo Xabsiga dhigay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore,waxana sidoo kale la sheegayaa in Baashe Maxamed Faarax laga wacay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo.

Xiisada u dhaxeysa xildhibaanada  ayaa wli ka taagan Magaalada Hargeysa,waxana socda kulamo kala duwan oo lagu xalinaayo khilaafka dhaliyay Gacan ka hadalka xildhibaanada.

Xildhibaano ka tirsan kuwa soomaaliland ayaa waxaa la sheegayaa in shaqaaqadii kulanka Baarlamaanka ka dhacday ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hada lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Hargeysa.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media