Sawirro:-AMISOM oo Ciidamo u diyaarisay sugida amniga Doorashooyinka dalka

Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Hawlgalka AMISOM, ahna Kaaliyaha Kormeerka Guud ee Boliska, Augustine Magnus Kailie waxa uu booqday Ciidanka Boliska AMISOM ee loo xil-saaray Ammaanka Doorashooyinka soo socda ee Barlamaanka iyo kuwa Madaxweynaha ee Somalia.

Taliyaha waxa uu Ciiddankaasi ku booqday Xeradooda Jazeera 2 ee ku taalla magaalladda Muqdisho, wuxuuna soo indha-indheeyey baahiyaalka Ciiddankaasi oo ka kala socday dalalka Nigeria iyo Uganda, isagoo warbixin ka siiyey Doorkooda Boolisnimo inta ay  AMISOM la shaqeynayaan.

“Waxaad halkan u joogtaan Waajibaadyo cayiman ee Sugida Ammaanka ee Kulamada, Ilaalinta Hay’adaha Dowladda, bixinta Waajibaadka gelbinta  Saraakiisha Boliska, bixinta gelbinta dadka aadka u muhiimka (VIP escorts) iyo marti-gelinat kuwa kale”ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Boliska AMISOM ay Xilli muhiim ah joogaan Somalia, loona bahan yahay inay sugaan qalabka Dooradooyinka,Xaruumaha Doorashadda iyo Waajibaadka kale ee laga rajeynayo inay fuliyaan.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Boliska ee Hawlgalka AMISOM, ahna Kaaliyaha Kormeerka Guud ee Boliska, Augustine Magnus Kailie waxa uu ugu baaqay Ciiddanka Boliska AMISOM ee loo xil-saaray Ammaanka Doorashooyinka inaan shaki la gelinin Dhexdhexaadinimadooda  iyo Eex La’aanta inta ay ku guda-jiraan Hawlaha uga xil-saaran Doorashooyinka soo socda ee Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor