Sawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigtay Gaadiid iyo Hub ay ku qabsatay weerarkii Camaara

Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen weerarkii arroornimadii shalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid nooca xamuulka iyo kuwo casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo saanado ciidan oo taalay Saldhiga Ciidamada.

Sidoo kale Shabaabka ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhacay Magaalada Camaara ee Mudug ku dileen 35 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada, kadib weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin oo ay ku qaadeen halkaas.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii hore ee shalay sheegay inay iska difaaceen weerarkii ugu yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 60 xubnood.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu xusay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Camaara lagu dilay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday, iyagoona beeniyay in gaadiid iyo hub laga qabsaday, sidoo kalena lagala wareegay Camaara.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor