Sawirro:-Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka Ciidamada Booliska General Kaahiye ayaa Maanta waxaa Aas heer qaran ah loogu sameeyay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Aska Marxuum Eng.Yariisow ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxad ugu Sarreeya dowladda Soomaaliya,Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haaya dowladda iyo kuwo horey uga soo qabtay,qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo dadweyne farabadan.

Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Maanta waxaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qata,halkas oo markii hore loo geeyay Xaalad Caafimaad,kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii 24-kii Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Dadkii ka soo qeyb galay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa dhammaantood si wadajir Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo,sidoo kalena tacsi u diray Eheladii,qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media