Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxaa laga soo daad-gureeyay Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad oo halkaas kal hore la geeyay.
Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dalbaday in Magaalada Dhuusamareeb laga saaro Ciidanka Booliska Dowladda ee Haramcad.
Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ayaa waxaa kasoo duushay Diyaarad sida ku dhawaad 200 oo Askari oo Booliska Haramcad, isla markaana waxaa la filayaa saacad kadib kasoo degto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa u sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliya oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna laga saaro Caasimadda Galmudug, si ay uga qeyb galaan Shirka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maalinta Berri oo Khamiis ah ka furmaya Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale.