Sawiro iyo muuqaalo been abuur ah oo ay dad badan run u qaateen oo laga faafiyay Dagaalka Itoobiya

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay labadii toddobaad ee uu dagaalka u dhaxeeya Milatariga Itoobiya iyo xoogagga Tigrey uu ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigrey.

Xilli uu dagaalka sii xoogeysanayo ayaa waxaa ay dadka qaar isku dayayaan inay baahiyaan warar been abuur ah iyo macluumaad marin-habaabin ah oo dagaalka ku saabsan.

Sawiro iyo muuqaalo been abuur ah oo ay dad badan run u qaateen waxaa ka mid ah in rai’sul wasaaraha Itoobiya Ahmed oo xiran dariiska ciidamada uu tagay Furunta dagaalka, islamarkana ku hadlaya telefoon, waxaana lagu baahiyay mid ka mid ah cinwaanada facebook ee lagu taageerro ciidamada federaalka iyo howlagaladooda Tigrey.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media