(SAWIRO): Danjirihii Imaaraadka Carabta u joogay Afganistan oo la dhaawacay.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Danjire Jumca Maxamed C/llaahi Al-kaabi uu ku dhaawaxmay qarax shalay ka dhacay magaalladda Khandahaar ee K/bari Afganistan.

Qaraxaasi oo lala beegsaday Kulan u dhexeeyey Danjiraha iyo Saraakiisha Deegaanka, waxaa ku geeriyootay ugu yaraan7 qof, iyadoo ay 17-kale oo ay ku jiraan Diplomaasiyiin Imaaraati ah iyo  Guddoomiyaha Gobalka Khandahaar.

Danjiraha ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo ka dhashay holaca waxyaabihii qarxay.

Dhinaca kale, ugu yaraan 30-qof ayaa ku geeriyootay, 80-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin shalay ka dhacday meel ku dhow Caasimadda dalka Afganistan ee Kaabul.

©Radio Dalsan

خلال زيارة سفير الدوله في كابل تم وضع حجر الاساس لدار خليفه بن زايد ال نهيان لرعاية الايتام في ولاية قندهار بحضور وزيرة العمل ووالي الولايه.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor