Save the children UK oo taageero Bani’aadannimo u ballan qaaday Dowladda Somalia

Ergeyga Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo Bani’aadannimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay madaxa ugu sarreeya hay’adda Save the Children ee Ingiriiska.

Gwen Hines ayaa warbixin dhammeystiran Ergeyga ka siisay howlaha ay hay’addeeda ka qabato gudaha waddanka Soomaaliya.

Ergeyga ayaa uga mahad celiyay dedaalka ay hay’adda Save ku bixineyso samatabixinta bulshada dhibaataysan, isaga oo sidoo kale ka codsaday in ay ka gacan siiyaan sidii dowladda ingiriisku u kordhin lahayd taageerada bani’aadannimo ee dalkeennu baahida weyn u qabo.

Ugu danbeyn, Gwen Hines oo boggaadisay dedaallada dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Ergeygu ku bixinayaan arrimaha bini’aadannimada ayaa soo dhaweysay codsiyada Ergeyga, iyada oo taageero dhinacyadaas ku aaddan u ballanqaadday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor