Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Puntland lagu dilay Magaaladaasi.

Wararka aan helayno waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen nin lagu eedeynayo in iuu ka mid ahaa rag dil xalay magaalada ugu geystay askarigaasi ka tirsanaa booliska Puntland.

Cumar Maxamed  Samatar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, waxaana dil u gaystay koox Bastoolado ku hubeysan xili uu kusii jiiday gurigiisa, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii dilka gaystay sida wararku sheegyaaan.

Saraakiisha ammaanka Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijyay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dableydii dilka gaysatay, waxaana intaa ay ku dareen in ay ku raad joogaan kooxdii kale eek u lugta lahaa dilka ka dhacay Magaalada, iyadoo ay socdaan howgallo lagu baadi goobayo dadkii dilka gaystay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawanahaan waxaa kusoo badanayay dilalka Qorsheysan iyo qaraxyada, waxaana Magaaladaasi dhawaan lagu dilay mid ka mid ah wariyaasha ka howlgala Puntland, iaydoo ay jiraan masuuliyiin kale oo qaraxyo lala beegsaday, waxaana inta badabn falalkaasi dusha saarta dagaalamayaasha Al-shabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor